Xiddigii hore ee kooxda Man United ee Bryan Robson ayaa ka hadlay qaab ciyaareedka Liita ee xiddiga Alexis Sanchez kaas oo aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii ay Man United soo saxiixatay si uu u soo bandhigo markii ay ka dhigtay xiddiga ugu mushaharka badan kooxda.
Bryan Robson ayaa Alexis Sanchez u sheegay in uu muujiyo sababtii ay kooxda Man United diyaarka ugu ahayd in ay baanka u jabiso ugana dhigto xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda kooxda.
United ayaa saxiixa Sanchez ku garaacday kooxda Man City suuqii Janaury kadib markii ay ogolaadeen in ay miiska u saaraan lacag dhan 350 kun oo Gini todobaadkii ugana dhigeen xiddiga ugu mushaharka badan kooxda.
Laakiin Sanchez ayaa ilaa haatan ku fashilmay in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii ay United uga uga dhigtay xiddiga ugu mushaharka badan kooxdeeda.
Robson ayaa qirtay in xilli ciyaareedkan yahay mid u weyn Sanchez iyada oo 29 jirka looga baahan yahay in uu muujiyo in ayna kooxda Man United ku khladamin la soo wareegistiisa.
“Sanchez waa xiddig weyn”ayuu yidhi kabtankii hore ee United ee Robson, “Laakiin wali maynu arkin qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee Man United ilaa haatan”.
Laakiin waxa aan hubaa in uu kor u qaadi doono qaab ciyaareedkiisa”.
“Xagaagan waa midkii ugu horeeyay ee aan looga yeedhin waajibaadka xulka waana in uu taas u isticmaalo si fiican, marka aad hesho xagaa fasaxa ah waa in aad soo laabato adiga oo fiican”.
“Kulamadii ugu horeeyay ee horyaalka ayaa laga yaabaa in uu u baahnaa in uu dib u helo taam ahaanshihiisa laakiin waxa aan ku rajo weynahay in aan qaab ciyaareed fiican ku aragno”.








