· by ogaalkaciyaaraha · 1
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa xaqiijiyay in uu ka tagi doono kooxda Man United inkasta oo ay jireen warar sheegaya in uu xiddigu wadahadalo la qaatay Jose Mourinho kaas oo ay isku af garteen in uu sii joogo kooxda.
Xiddiga khadka dhexe ee xulka France ka caawiyay ku guulaysiga koobka adduunka ayaa la sheegayay in uu xaliyay xiriirkii xumaa ee uu la lahaa tababaraha Man United ee jose Mourinho.
Kadib markii uu ku soo laabtay Old Trafford sanadkii 2016 Pogba ayaa wakhti xun ku qaadanaya United iyaga oo isku dhacay tababaraha Man United ee Jose Mourinho.
Pogba ayaa la aamisan yahay in uu doonayay in uu ku biiro kooxda Barcelona ka hor intii uuna xirmin suuqii xagaaga waxana uu haatan diiday in uu meesha ka saaro in uu kooxda ka tago suuqa January.
“Waxa jira hadal badan oo ku saabsan arinta waana sida ay tahay, waxa aan heshiis kula jiraa Man United”ayuu u sheegay Sky Germany.
“Haatan Mustaqbalkaygu waxa uu yaalaa Manchester, wali waxa aan kula jiraa heshiis waxa aan wakhti xaadirkan ka ciyaarayaa halkan, laakiin yaa og waxa dhici doona bilaha soo socda
Waxa kaliya ee aan kuu balan qaadi karo ayaa ah in aan 100% siin doono Man United tababara walba oo kooxda haysta, ma odhan karo wax kale”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.







0 comments:
Post a Comment