Xog hayihii hore ee kooxda Man City ee Bernard Halford ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxda Man City si aad ah ugu dhawayd in ay la saxiixato xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican yurub.
Bernard Halford ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Man city iska khasaarisay fursad ay kaliya 10 milyan oo euro ugula soo saxiixan lahayd xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric 11 sano ka hor markii uu u ciyaarayay kooxda Dinamo Zagreb markaas oo ayna kooxda hayssan milkiilayaasha carabta ah.
Isaga oo la hadlaya wargayska The Sun ayaa yiri” Markii uu Milkiilaha ka ahaa thaksin shinawatra waxa aan haysanay fursad aan kula saxiixano Luka Modric, waxana uu ahaa mid aad u xiisaynaya waxana uu ii sheegay in aan ku dhawnahay in aan dhamaystirno heshka mid ka mid xiddigaha ugu fiican adduunka khadka dhexe”.
Xiddigii hore ee xulka Croatia ee Vedran Ćorluka ayaa Modric kula taliyay in uu ku biiro Man City, waxa aan wakhtigaas u baahnayn lacag aan ku dhamaystirno heshiiska, lacagta milkiilahana waxa lagu uruuriyay Thailand “.
Bernard Halford ayaa hadalkiisa ku soo xidhay”Waxa uu milkiilu ii yimid maalintii ugu horaysay xilli ciyaareedkan waxana uu ii sheegay in aan shaqada isaga tago sidaas darteed maan dhamaystirin heshiiska Modric oo lagu helayay kaliya 10 milyan oo euro, haatan eega waxa uu u tartamayaa xiddiga ugu fiican adduunka”.







0 comments:
Post a Comment